Wednesday, February 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida oo har iyo habeen, qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku bixinayaan sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, isla markaana ay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles