Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood kula kulmay wafdi ka socda dowladda Jabuuti oo ka qayb galaya caleema-saarka madaxweynayaha Waqooyi Bari Soomaaliya.
Qoraal la soo dhigay barta bulshada madaxtooyada Soomaliya ayaa lagu yiri ‘’Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, garab istaagga ay u fidiyeen Soomaaliya, waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna’’




