Wednesday, October 15, 2025

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay una mahadceliyay Axmed Al-muwalad

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed bin Mohamed Al-muwalad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, ganacsiga, iyo taageerada adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga kaalinta ay ka qaadato garab istaagga Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo is-ixtiraam.

Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in Boqortooyadu diyaar u tahay inay sii xoojiso taageerada ay siiso maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda iyo horumarka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles