Saturday, July 5, 2025

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo laga Dhisaayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Munaasabada Dhagax-Dhiga Madaxweynaha waxaa kala Qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Marwo Zahra Cusmaan Axmed, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdulaahi Cali Watiin iyo Mas’uuliyiin kale.

Xarunta Maanta uu Dhagax dhigay Madaxweyne Laftagareen ayaa ka kooban qeybo kala duwan iyadoona noqon doonta mid lagu Tababaro Maclimiinta Koonfur Galbeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles