Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay la kulmay guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo maalmahan shirar ka waday magaalada Garowe.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ka kooban lix xubnood oo kala ah: Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, Xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar, iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi). Xubnahan ayaa Garowe u joogay dejinta istaraatiijiyadda iyo qorshayaasha ay golahu ku wajahayaan xilliga kala-guurka ee siyaasadda dalka.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho, ay shir ku yeeshaan magaalada Garowe si ay uga arrinsan doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Shirkan ayaa looga golleeyahay sidii loo gaari lahaa heshiisyo siyaasadeed, iyadoo xaaladda doorashada iyo madmadowga siyaasadeed ee dalka la tixgelinayo.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu muddo bil gudaheed ah isugu yeero dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro heshiisyo ku saabsan doorashada, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay dalabka Mucaaraadka.




