Saturday, August 2, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqday Xarunta Teknolojiyadda Drones-ka ee Turkiga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Teknolojiyadda Özdemir Bayraktar ee dalka Turkiga.

Xaruntaan uu booqday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah xarun casri ah oo ku takhasustay soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Intii uu booqashada ku sugnaa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhageystay warbixinno faahfaahsan oo ka yimid madaxda iyo injineerada xarunta, kuwaas oo sharaxay horumarka la taaban karo ee Turkigu ku gaaray dhanka difaaca, gaar ahaan tiknoolajiyadda drones-ka iyo qalabka casriga ah ee militariga.

Madaxweynaha ayaa ammaanay horumarka uu Turkigu ku talaabsaday dhanka warshadaha difaaca, isagoo xusay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideysan karto khibradahaas, si loo xoojiyo awoodda difaac iyo howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Xarunta Özdemir Bayraktar waxaa lagu tilmaamaa mid kamid ah xarumaha ugu horumarsan caalamka ee soo saara qalabka militariga casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado duqeymaha cirka iyo howlgalada dhulka ka socda ee lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo arkaa mid muujinaysa xiriirka istaraatiijiyadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo is-weydaarsiga tiknoolajiyadda.

Turkiga ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles