Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ku wajahan dalka Qatar, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda ugu sareysa ee dalkaasi.
Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojin karta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Qatar.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ugu sarreysa dowladda Qatar, oo ay ka mid yihiin Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Doha.
Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo la xiriira iskaashiga ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.
Madaxatooyada Somaliland ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo xukuumadda cusub ee Cirro ay ku dooneyso in ay kor ugu qaaddo xiriirka caalamiga ah.
Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in xiriirka u dhexeeya Imaaraadka iyo Qatar uusan wanaagsanayn, iyadoo labada waddan ay ku tartamaan saameynta siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee waddamada Carabta ay ku leeyihiin dalalka geeska Afrika.
Safarkan ayaa noqonaya tii saddexaad ee Madaxweyne Cirro uu ku tago dalalka Khaliijka. HoreY wuxuu laba jeer u booqday dalka Imaaraadka Carabta.