Monday, November 17, 2025

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah oo dhaqangal ah ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PHD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotoda dheer ee aqooneed iyo middiisa maamul, ayaa u rajeeyay Dr. Maxamed Maxamuud inuu waajibaadkiisa u guto si xilkisnimo leh, isla markaana u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles