Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka degay Israa’iil iyadoo Qaza ay ka bilaabatay siideynta maxaabiista Israa’iil.
Diyaradda siday Trump ayaa haatan ka degtay garoonka Ben Gurion, oo ku taala duleedka magaalada Talabiib, wuxuuna si kooban socdaal ugu tegay dalkaas.
Waxaa uu halkaas kula kulmi doonaa mas’uuliyiin uu kamid yahay Ra`isul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkof, Jared Kushner oo uu Trump sodog u yahay and gabadha uu Trump dhalay, Ivank trump.