Tuesday, October 14, 2025

Madaxweynaha Madagascar oo dalka ka baxsaday

Madaxweynaha Madagascar ee xaaladda adag ku sugan, Andry Rajoelina, ayaa sheegay inuu ku dhuumanayo “goob ammaan ah” kaddib isku day lagu doonayay in lagu dilo sida uu sheegay, xilli ay socdeen toddobaadyo mudaaharaadyo ah oo laga dalbanayay inuu xilka iska casilo.

Isaga oo si toos ah ugala hadlayay shacabka boggiisa Facebook, ayuu Rajoelina, oo 51 jir ah, sheegay in “kooxo ka kooban saraakiil ciidan iyo siyaasiin ay qorsheeyeen inay i dilaan.”

Madaxweynuhu ma shaacin goobta uu joogo, balse warar aan la xaqiijin oo hore u soo baxay ayaa sheegay in uu dalkii ka baxay isaga oo raacaya diyaarad ciidan oo Faransiis ah.

Tani waxay ku soo beegmaysaa laba toddobaad oo mudaaharaadyo ballaadhan oo dalka oo dhan ka socday, kuwaas oo ay hoggaaminayeen dhalinyaro doonaya in la eryo madaxweynaha.

Isku dayadii uu Rajoelina ku doonayay inuu ku dejiyo dhalinyarada mudaaharaadayey — oo loo bixiyay “Gen Z” — ayaa fashilmay, iyada oo uu madaxweynuhu xilka ka qaaday dhammaan golihiisii wasiirrada uuna sameeyay tanaasulaadyo kale oo aan waxba tarin.

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles