Monday, December 22, 2025

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo ka qeybgalaya Dhoola-tuska Milatiri ay soo Bnadhigayso Dowladda Shiinaha

Tareenka uu la socdo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ka soo talaabay Xadka Shiinaha ka hor inta aan la qorsheynin ka qeyb galka dhoola-tuska militari ee lagu muujinayo dhiibistii Japan ee dagaalkii labaad ee adduunka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Kim waxa uu ka mid yahay 26 hoggaamiye oo adduunka ah oo loo qorsheeyay inay ka qaybgalaan dhoola-tuska Arbacada ee lagu xusayo sannad-guurada 80-aad ee dhammaadka dagaalkii labaad ee adduunka.

Munaasabadda ka dhacayso magaalada Beijing ayaa lagu wadaa inay noqoto markii ugu horreysay oo Kim, madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay ku kulmaan hal goob.

Tareenka Kim ayaa ka gudbay xadka Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha saacadihii hore ee subaxnimadii Saakeyo o Talaado ah, sida uu sheegay wargeyska ay dowladdu maamusho ee Rodong Sinmun.

Booqashada Kim ee Shiinaha ayaa ku soo beegantay xilli uu shir-madaxeedka Hay’adda Iskaashiga Shanghai ee Tianjin ee Shiinaha, kaas oo Madaxweynaha Shiinaha Xi iyo Madaxweynaha Ruushka Putin ay isku beddeshay dhaleecaynta awoodda reer galbeedka ee nidaamka caalamiga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles