Wednesday, November 19, 2025

Madaxweynaha koonfur galbeed oo shirguddoomiyey shirka golaha wasiiradda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo diiradda lagu saaray Arrimo Muhiim ah oo ku saabsan Maamulka iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u Ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda Koonfur Galbeed ee sanadka soo socda. Miisaaniyaddan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo Adeegyada Dowladnimo kor loogu qaado Amniga, Caafimaadka, Waxbarashada, iyo dib u dhiska kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Sido kale Wasiirka Qorshaynta ayaa Golaha Wasiirada la Wadaagay Qorsha Howleedka Shanta sano ee soo socda ee ay Diyaarisay Wasaarada kuwaas oo ay kamid yihiin Siyaasada loo dhanyahay, Isbeddel Dhaqaale oo Waara, Hormarinta Bulshada , Deegaanka iyo Adkeysiga Cimilada

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirada dadaalka ay ku bixiyeen diyaarinta iyo dib u eegista miisaaniyadda, isaga oo ku boorriyey in la dardar-geliyo hirgelinta qorshayaasha ku jira miisaaniyadda cusub si shacabka Koonfur Galbeed ay uga faa’iideystaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey arrimo la xiriira amniga, qorsheyaasha horumarineed, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Dowlada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles