Monday, November 17, 2025

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Midowga Yurub, gaar ahaan Amniga,Horumarinta adeegyada bulshada,Taageerada dhaqaalaha iyo Mashaariicda dib-u-dhiska.

Laftagareen ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan shacabka Koonfur Galbeed, halka safiirkuna uu bogaadiyay dadaallada maamulka ee xasillinta iyo horumarinta adeega bulshada.

labada dhinac waxay isku afgarteen in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehliyay wasiirrada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Gargaarka, Haweenka iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles