Sunday, August 3, 2025

Madaxtooyada Suuriya oo qaadeysa tallaabo lagu joojinayo dagaalka Suweyda

Madaxtooyada Suuriya ayaa sheegtay in ay geyn doonto ciidamo cusub si ay u hakiyaan isku dhacyada diimeed ee dadka badan ku dhinteen ee u dhaxeeya Bedouin iyo dagaalyahannada Druze ee koonfurta dalkaasi.

Xafiiska madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa ku boorriyay “dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan”, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dagaal uu ka soo cusboonaaday meel u dhow magaalada Suweyda Jimcihii.

In ka badan 700 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in la dilay tan iyo markii rabshaduhu ay qarxeen Axaddii. Ciidamada dowladda ee la geeyay deegaanka ayaa dadka deegaanka waxa ay ku eedeeyeen in ay dileen dad rayid ah oo Druze ahaa, islamarkaana ay fuliyeen xukunno ka baxsan sharciga.

Israa’iil ayaa markii dambe weerartay bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya si ay ciidamadeeda uga baxdo gobolka Suweyda. Jimcihii, safiirka Mareykanka ee Turkiga ayaa sheegay in Israa’iil iyo Suuriya ay ku heshiiyeen xabbad joojin.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles