Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo Xalay fiidkii hore ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku qaadeen fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Goobo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Macawiisleyda ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen maleeshiyaadka ku sugna deegaanka Goobo, islamarkaana uu halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal aad u xoogana oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidanka Macawiisleyda ayaa lasoo wariyay iney u suura gashay iney cagta mariyaan fariirinkii kooxdu ku laheyd duuleedka Waqooyi ee deegaanka Goobo, islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka Xalay Macawiisleyda ku qaadeen deegaanka Goobo oo ah deegaan istaraatiiji ah, kaasoo isku xira gobolada Hiiraan iyo Galguduud.
Ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle ayaa mudooyinkan dambe deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ka waday abaabulo ku aadan sidii kooxda Al-shabaab ay dib uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.




