Wednesday, December 24, 2025

Maamulka Gobalka Banaadir oo Howlgeliyey Waaxda Gurmadka DegDeg ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso doorasho maalinta berri ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay gaadiidka dab-damiska, ambalaasyada iyo shaqaale tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24 saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo badbaadada shacabka caasimadda ee u diyaarsan ka qaybgalka doorashada.
Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale muwaadiniinta ku baraarujiyay lambarka gaaban ee 991, kaas oo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan gargaar degdeg ah.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay adeegga iyo daryeelka shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay bulshada ku nool magaalada Muqdisho inay si nabad ah, mas’uuliyad lehna uga qaybqaataan doorashada maalinta berri ah ka dhaceysa caasimadda.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles