Wednesday, August 20, 2025

Liiska Xildhibaanada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo la shaaciyay.

Waxaa si rasmi loo shaaciyay Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaana baarlamaanka cusub uu ka kooban yahay 83 xildhibaan.

Xildhibaanadan cusub ayaa laga soo kala doortay saddexda gobol ee maamulkaasi:

37 xubnood ayaa ka soo jeeda gobolka Sanaag.

30 xubnood ayaa matalaya deegaanada gobolka Sool

Iyo 16 xubnood oo Togdheer ah.

Inkasta oo cabashooyin iyo tabashooyin beeleed ay wali jiraan, haddana waxaa muuaqata in la guda geli doono marxaladda xigta oo ah doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha maalmaha soo socda.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in baarlamaanka cusub uu ka koobanyahay afar haween ah, kuwaas oo saddex ka mid ahi ka kala socdaan gobolka Sanaag.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in maanta lagu dhaariyo magaalada Laascaanood, iyadoo isla markaasi kadib loo gudbi doono doorashada guddoonka golaha wakiillada.

Musharrixiin dhowr ah ayaa durba isku diyaarinaya tartanka guddoonka baarlamaanka, waxaana la filayaa in ololaha siyaasadeed uu si rasmi ah u bilaabmo saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Geeddi-socodka dhismaha maamulka ayaa soo maray marxalado adag, iyadoo dhowr jeer ay hareeyeen doodo, muran iyo is jiid–jiid xooggan oo u dhexeeyay beelaha deegaanka, hase yeeshee ugu dambeyn xal laga gaaray khilaafaadkii jiray.

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles