Friday, June 20, 2025

Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva.

Wadahadallo diblomaasiyadeed oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iran ayaa maanta lagu wadaa in ay ka billaabmaan Magaalada Geneva ee Dalka Ostariya.

Kulanka maanta dhacaya ayaa ujeedku yahay in labo todobaad gudahood lagu xaqiijiyo in xal nabadeed laga gaaro ismari waaga sii kordhaya ee Iran iyo Israel.

Diblomaasiyiin sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa la kulmi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi si ay uga wadahadlaan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Kaja Kalas ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka soo qeyb galo kulanka maanta oo la doonayo in looga hortago  isku dhac ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe.

Kulanka Geneva ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in Mareykanka uu muddo laba todobaad kadib soo galo dagaalka oo uu la safto Israel.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles