Friday, December 19, 2025

Koox hubeysan oo masuul ku dilay degmada Garbahaarey.

Koox hubeysan ayaa xalay degmada Garbahaarey ku dilay Cabdi Fareey, guddoomiyihii xaafadda Towfiiq, kaas oo sidoo kale ka mid ahaa odayaasha dhaqanka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii weerarka geysatay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo aan weli la garan cida ka dambeysa falkaas.

Ciidamada ammaanka degmada ayaa saaka bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu baadigoobayo raggii ka dambeeyay dilka.

Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay falkaasi mid sii xoojinaya cabsi iyo walaac bulsho oo horay u taagnaa.

Amniga Garbahaarey ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn u xumaaday, iyadoo dhowaan dagaal culus uu ka dhacay halkaas.

Sidoo kale dilalka qorsheysan ayaa kusii kordhay guud ahaan gobolka Gedo, tan iyo markii uu xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles