Wednesday, March 18, 2026

Koofur Galbeed oo difaacday go’aanka xiriirka ay u jartay Dowladda Federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in go’aankii ay maamulkaasi xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid sharciyeysan oo waafaqsan dastuurka dalka iyo kan dowlad goboleedka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida dastuuriga ah ee Koonfur Galbeed, iyo xaqa ay u leedahay inay si xor ah u maamusho arrimaheeda gudaha.iscover more

Wasaaradda ayaa sidoo kale adkaysay in tallaabadan aysan ka hor imaanayn midnimada Soomaaliya, balse ay tahay mid lagu xoojinayo ku dhaqanka sharciga, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dib u soo celinta wadashaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo sharci.

Ugu dambeyn, maamulka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay inay weli ka go’an tahay ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo wada shaqeyn ku dhisan dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles