Wednesday, October 29, 2025

Israa’iil oo Xamaas ku eedeysay inay jabisay heshiiskii xabad joojinta.

Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay Qaza, taasoo jawaab u ah waxa ay mas’uuliyiinta Israa’iil ku sheegeen xadgudubka heshiiskii xabbad joojinta ee uu Mareykanku garwadeen ka ahaa.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Xamaas ku eedeeyay in ay Talaadadii weerar ku qaadeen Askarta Israa’iil ee ku sugan Qaza, ayna jabiyeen shuruudaha soo celinta maydadka la haystayaasha dhintay.

Kooxda hubaysan ee falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in aysan wax xiriir ah la lahayn weerarka, waxayna ku adkaysteen in ay ka go’an tahay heshiiska xabad joojinta.

Ugu yaraan 33 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo isdaba joog ah oo ay fulisay Israa’iil, sida ay sheegeen hay’adda difaaca rayidka ee Xamaas ee Gaza iyo saraakiisha isbitaalka.

Weerarada ayaa ku dhacay guryo, iskuulo iyo xaafado ku yaal magaalada Gaza, Beit Lahia, al-Bureij, Nuseirat iyo Khan Younis.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles