Monday, February 16, 2026

Israa’iil oo dirtay dalab la xirriira heshiiska nukliyeerka Iran

Ra`isal wasaaraha Israa’iil ayaa dalbaday in meesha laga saaro dhamaan uranium-ka la kobciyay ee Iran iyada oo qayb ka ah heshiis kasta oo laga gaaro barnaamijka nukliyeerka Texran.
Benjamin Netanyahu ayaa hadalkaan jeediyay, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Iran uu u safray Switzerland, si uu uga qayb galo wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada aan tooska ahayn ee lala yeelanayo Mareykanka.
Wadahadallada Talaadada dhacaya ayaa waxaa ka qeyb gali doona ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff iyo wiilka uu sodogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner.
Horaantii, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay, in dowladdiisu ay u furan tahay tanaasul haddii cunaqabateynta la qaado, balse aysan ka hadli doonin barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga – dalab kale oo muhiim ah oo Israa’iil ay waddo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles