Wednesday, July 30, 2025

IMF oo Soomaaliya siisay $10 milyan si ay u taageerto dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka.

Golaha Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa dhammaystiray dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya, taasoo suurto-gelisay in si degdeg ah loo sii daayo lacag gaareysa $10 milyan.

Lacagtan ayaa loo adeegsanayaa taageerada miisaaniyadda dowladda si loo dardar-geliyo isbeddellada dhaqaale.

IMF waxay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah, cimilada oo is beddeshay, iyo hubanti la’aan sareysa. Waxaa la filayaa in koritaanka dhaqaalaha sannadka 2025 uu hoos ugu dhaco 3%, marka la barbardhigo 4% oo la qiyaasayo sannadkan 2024.

Si kastaba, IMF waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay si wanaagsan u waddo barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dakhliga gudaha, maamulka maaliyadda dadweynaha, iyo sare u qaadidda kalsoonida dhaqaale. Waxaa sidoo kale la tilmaamay muhiimadda taageerada deeq-bixiyeyaasha si loo sii wado isbeddellada.

IMF waxay bogaadisay dadaalka dowladda ee lagu horumarinayo ururinta cashuuraha, casriyeynta kastamka, hirgelinta xeerka cusub ee cashuurta dakhliga, iyo maamulka lacagta iyo deymaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa la ammaanay horumarka laga gaaray dhismaha awoodda Bangiga Dhexe iyo qorshaha dib loogu soo celinayo isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga oo dalka intiisa badan aan la isticmaalin.

Waxaa intaas dheer, IMF waxay sheegtay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay sharciyeynta maamul wanaagga gaar ahaan dhanka batroolka, iyadoo muhiim la ah in si daahfuran loo maamulo khayraadkaas.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles