Kadib markii uu si isdaba joog ah Donald Trump u weeraray Ilhan Omar iyo Soomaalida todobaadkaan ayaa waxaa weerarkaas afka ah ka jawaab celisay Ilhan, iyada oo ku qeexday Trump in uu mar walba yahay “cunsuri, dulqaad yar, shisheeye neceb ah, muslinkana neceb”.
Muuqaal ay waraysi siinaysay warbaahinta MS Now oo ay ku soo daabacday baraheeda bulshada, ayay sheegtay Ilhan ‘in aysan la yaab lahayn talaabooyinka uu qaaday ee uu ku beegsanayo soo galootiga madowga ah’, sida ay hadalka u dhigtay, iyada oo dib u milicsatay hadaladii qalafsanaa ee uu u adeegsaday wadamada Afrika muddo xileedkiisii hore.
“Waxaan jeclaan lahaa in aan dhaho ayaa ah in dhammaanteen aan nahay muwaadiniin. Baasaboorkeena waxaa ku qoran inaan nahay muwaadiniin dalkaan u dhashay”, ayay tiri Ilhan.




