Monday, March 30, 2026

IGAD oo ku baaqday in la qaboojiyo xiisadda Koofur Galbeed.

Ururka IGAD ayaa si rasmi ah uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan xiisadaha ka aloosan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo dejiyo xaaladda isla markaana la bilaabo wadahadal.

War-saxaafadeed ay soo saartay IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socdo isbeddellada ka jira Koonfur Galbeed, kuwaas oo la xiriira khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

IGAD ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada in xiisadahaasi isu beddelaan colaad furan haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.

Ururka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan dulqaad iyo is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabo kasta oo kicin karta xaaladda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo waddo nabadeed, iyadoo la adeegsanayo wadahadal loo dhan yahay iyo nidaamyada sharci ee dalka u yaalla.

Sidoo kale, IGAD ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay door firfircoon ka qaadato dhexdhexaadinta iyo fududeynta wadahadalka, si loo gaaro xal waara oo lagu soo afjaro xiisadaha jira.

Discover more
Health Awareness Programs
Mobile phone accessories
Translation services Somali English
Baaqan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo in khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed uu sababi karo dagaal cusub, kaas oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida guud ee dalka.

Ugu dambeyn, warka IGAD ayaa cadaadis diblomaasiyadeed saaraya dhinacyada isku haya khilaafka, si looga hortago in xaaladdu ka sii darto, loona ilaaliyo nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles