Monday, November 3, 2025

Hooyo iyo caruurteeda oo dil iyo dhaawac loogu geystay Gobolka Mudug.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa xaqiijinaya in Allaha u naxariistee Hooyo Madiino Jimcaale Wehliye caawa lagu dilay inta u dhaxeysa deegaanada Xinlabi iyo Seego, kaddib markii maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socotay.

Weerarka lagu dilay marxuumadda ayaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil ay dhashay, sida ay xaqiijiyeen ehelkeeda oo sheegay in dhaawaca la geeyay xarun caafimaad oo ku taalla deegaankaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dilkan uu salku ku hayo aano qabiil oo ka dhalatay dil dhawaan ka dhacay gobolka Galgaduud, taas oo muujinaysa in xiisadaha qabaa’ilka ee labada gobol ay mar kale cirka isku shareereen.

Bilihii iyo toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa si isa soo taraysa uga dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud dilal isdaba joog ah oo la xiriira aargoosi iyo aanooyin beeleed, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, islamarkaana wiiqay amniga guud ee deegaannadaas.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee maamulka Galmudug ama hay’adaha maamulka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles