Monday, December 23, 2024

Hogaamiyaha Suuriya oo sheegay in dalkiisa uusan khatar ku ahayn dalalka Reer galbeedka.

Hogaamiyaha dalka Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in dalkaas uu uu daashaday dagaal, isla markaana aanu khatar ku ahayn dalalka deriska la ah iyo reer Galbeedka.

Hogaamiyaha Suuriya , ayaa u ku baaqay in la qaado cunaqabateynta saaran  dalkiisa.

“Hadda, kadib wixii dhacay, cunaqabateynta waa qasab in la qaadaa sababtoo ah waxaa la soo rogay xiligii ay jirtay dowladdii hore. Dhibbanaha iyo dulmiyaha si siman loo lama dhaqmi karo,” ayuu yiri.

Sharaa ayaa hoggaamiyey weerarkii degdegga ahaa ee lagu riday madaxweynihii hore ee dalkaas, Bashar al-Asad wax ka yar laba toddobaad ka hor. Waa hoggaamiyaha ururka Hay’at Tahrir al-Sham (HTS), oo ah kooxda ugu awoodda badan ee xoogagga mucaaradka waxaana hore loo yaqaannay Abu Maxamed al-Jolani.

Wuxuu sheegay in HTS ay tahay in laga saaro liiska ururrada argagixisada. HTS waxaa liiska argagaxisada ku daray Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub, UK, iyo dalal kale oo badan, maadaama uu ku bilowday koox ka go’day Al-Qaacida, sanadkii 2016-kii.

Sharaa ayaa sheegay in HTS uusan ahayn urur argagixiso.

Wuxuu sheegay in aysan bartilmaameedsan dad rayid ah ama goobaha ay degganyihiin dadka rayidka ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles