Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa degmada Balcad ku soo gebagebeeysay kulankii wadatashiga ee lagu diyaarinayay qorshaha horumarinta hortebinta degmada (District Priority Planning – DPP). Kulankan oo socday muddo labo maalmood ah ayaa lagu falanqeeyay baahiyaha horumarineed ee mudnaanta leh iyo sida loogu kala hormarin karo adeegyada bulshada Balcad.
Wadatashiga ayaa waxaa ka qeyb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si qoto dheer looga dooday arrimaha muhiimka u ah horumarinta degmada, sida adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo qorsheyaasha mustaqbalka fog.
Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay ayaa sheegay in dhowaan la soo bandhigi doono natiijooyinka laga soo aruuriyay kulanka, kuwaas oo lagu diyaarinayo buug xanbaarsan talooyinka iyo baahiyaha bulshada. Buuggan ayaa noqon doona hagaha rasmiga ah ee lagu saleeyo qorshaha horumarinta hortebinta degmada Balcad sanadaha soo socda. 











