Wednesday, July 30, 2025

Hideki Matsunaga oo loo soo magacaabay Soomaaliya

Hideki Matsunaga oo u dhashay dalka Japan ayaa loo magacaabay in uu noqdo maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Waxaa uu dusha sare kala socon doonaa naqshadeynta iyo hir-gelinta faylalka lacageed ee dalka Soomaaliya taasoo dhan $2.63 bilyan oo dollar, sida uu sheegay Bankiga Adduunka.

Waxay noqon doontaa xaruntiisa Magaaladda Caasimadda ah ee Nairobi ee dalka Kenya.

Hideki Matsunaga, ayaa leh waayo-aragnimo gaamurtay oo dhowr iyo toban sano ah taasoo ku saabsan hawlaha maamulka iyo maaliyadda, istaraatiijiyadda iyo horumarinta Siyaasadda ee dhanka Maaliyadeed

Ka hor xilkan cusub waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska Wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Japan ee dalka Ukraine, Japan International Cooperation Agency “JICA” ee dalka Ukraine,

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles