Monday, December 29, 2025

Hay’adda NIRA oo Heshiis Wadashaqeyn La Saxiixatay Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya (NIRA) iyo Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed (SONSA) ayaa maanta kala saxiixday heshiis wadashaqeyn oo muhiim ah, kaas oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Hay’adda NIRA.
Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixay Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), iyo Guddoomiyaha SONSA, Mudane Cusmaan Muxyaddiin Macallim (Shaatax).
Maareeyaha NIRA ayaa sheegay in bulshada rayidka ahi ay laf-dhabar u tahay xoojinta xiriirka u dhexeeya Hay’adda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo xusay in ururrada bulshada rayidka ahi ay door weyn ka qaadan doonaan wacyigelinta iyo dhiirrigelinta diiwaangelinta dadweynaha Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SONSA, Mudane Cusmaan Muxyaddiin, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda heshiiska, isagoo tilmaamay in SONSA ay diyaar u tahay kor u qaadista wacyigelinta dadweynaha ee ku aaddan nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu udub-dhexaad u yahay adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Heshiiska ay kala saxiixdeen Hay’adda NIRA iyo Dalladda SONSA ayaa u gogol-xaadhaya dhisidda kalsoonida bulshada ee ku aaddan nidaamka Aqoonsiga Qaranka, isla markaana horseedaya in bulshada Soomaaliyeed si guud loo gaarsiiyo muhiimadda iyo faa’iidooyinka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles