Thursday, March 26, 2026

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo la kulmay xubno ka socday Urur Goboleedka (EAC).

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa Xaruntiisa kula kulmay masuuliyiin ka socday Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC).

Kulankaasi oo ahaa mid xasaasi ah waxaa Hantidhowraha Guud ee Qaranka uu saxiixay qoraaladii ugu dambeyay ee la xiriiray baarista hantidhowr ee Golaha Jaamacadaha Bariga Afrika iyo sidoo kale shan mashruuc oo heer gobol ah.

Dhinaca kale, waxa uu hantidhowraha meelmariyay qorshaha baarista sanadkaan oo lagu wado in la bilaabo bisha Abriil 2026, iyadoo kulanka mudadii uu socday uu goobjoog ka ahaa Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud Mudane Cabdijamaal Ismaaciil.

Kulaka dhinacyadaasi waxa ay muujinayaan daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka heer gobo lee u dhexeeya Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles