Friday, January 16, 2026

Guddoomiyaha haya’adda SoDMA oo ku baaqay tallaabo deg deg ah si loo badbaadiyo nolosha dadka abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Magaalada Moqdisho ka Furay shir u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo Hay’adda aalamiga ah si looga wada hadlo xaaladda abaaraha iyo amni-darrada cuntada dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu carabka ku adkeeyay in la qaato go’aanno degdeg ah oo ku saleysan xog, halkii la diyaarin lahaa qorshayaal guud oo kale, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul loona xoojiyo isku-duwidda dowladda iyo la-hawlgalayaasha.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray meelaha ugu nugul (IPC Phase 4), iyo diyaarinta qorshe jawaab degdeg ah oo leh kharash iyo masuuliyad cad, iyo kaabista dadaallada jira iyadoo laga fogaanayo in dhibaatadu sii korarto.

Ugu danbeyn Guddoomiye Maxamuud Macalin wuxuu ku booriyay dhammaan dhinacyada inay si wadajir ah oo degdeg ah u dhaqaaqaan, maadaama go’aannada shirka ay saameyn toos ah ku leeyihiin yareynta saameynta abaaraha iyo badbaadinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles