Guddiga qaban-qaabada shirweynaha dhameystirka maamulka SSC ayaa caawa ku dhawaaqay in shirku si rasmi ah u furmi doono berri, inkastoo aysan weli caddayn in xal laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee shirkan hareeyay.
Shirka ayaa horey laba jeer u baaqday, kadib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka SSC-Khaatumo ay diideen qaabka loo wajahayo, iyagoo ku eedeeyay madaxweyne Firdhiye inuu shirkan ka leexiyay dariiqii saxda ahaa ee loogu talagalay.
Maanta, guddiga qaban-qaabada iyo wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa la kulmay dhinacyada ka soo horjeeda shirkan, iyagoo ka wada hadlay sidii uu shirku u furmi lahaa, waxaana la isla gartay in tabashooyinka lagu xallin doono gudaha shirka.
Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayaa maanta eedeyn u jeediyay dad uu ku tilmaamay “huwan”, isagoo ku eedeeyay inay wadaan qorshayaal lagu carqaladeynayo qabsoomidda shirweynaha.
Wasiirku wuxuu sheegay in maamulka SSC-Khaatumo ay ka go’an tahay in shirka la qabto, lana mideeyo dadaallada dhameystirka maamulka, iyadoo lagu salleynayo midnimada gobollada Sool iyo Sanaag.
Shirkaan ayaa furmaya, iyadoo salaadiinta dhaqanka Gobolka Sanaag ay kasoo horjeesteen shirkan iyagoo sheegay wixii kasoo baxa in aysan qusayn.