Friday, August 1, 2025

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Jowhar ka Daahfuray Ololaha Diiwaangelinta codbixiyaasha.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Jowhar ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah ugu bilowday Dowlad gobolleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo dadweynihii kale ee goobta codbixinta soo xaadiray ayaa isdiiwaangeliyay, taas oo muujineysa ifadaalaha wanaagsan ee loogu dareeri karo doorasho dadweyne.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles