Guddiga Doorashada Maamulka Waqooyi Bari ayaa soo saaray liiska Dadka u Tartamaya Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Shanta Sano ee Soo Socda.
Liiskan ay Guddigu soo saareen oo ka kooban Shan Madaxweyne u taagan iyo Shan Madaxweyne ku xigeen, waxaana liiskaas ka maqan dad isu sharaxay Xilalkaas oo qaarkood isdiiwaan geliyeen.
Sidoo kale Wasaarada Amniga ayaa soo saartay Amaro lagu xaqiijinayo amaan ka hor inta aan la gaarin Xiliga Doorashada oo markaas la joojin doono gaadiidka soo gelaya magaalada iyo kan ka-baxaya sida ay sheegtay Wasaarada amniga





