Sunday, October 12, 2025

Golaha wasiirada Jubbaland oo DFS ugu digay faragelinta Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland,  Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Dowladda Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo cadadkeedu yahay 67,213,424.21. oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyada iyo Hormartinta dhaqaalaha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles