Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho, iyaga oo qorsheynaya kulan gaar ah oo ka dhacaya xeyndaabka Xalane.
Shirkan ayaa lagu wadaa in looga tashado tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, kadib markii wadahadalladii siyaasadeed ee u socday iyaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay shalay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
Kulankan ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhinacyada mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeystay mowqifkiisa ku aaddan qaabka loo wajahayo doorashooyinka, taasoo caqabad ku noqotay in la gaaro is-afgarad siyaasadeed.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu si toos ah ula xiriiray qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka, kadib markii kulankii ugu dambeeyay ay isku mari waayeen qodobada la isku hayay.
Waxaa la sheegay inuu ka codsaday inay sugaan illaa maanta gelinka hore, isla markaana aysan si degdeg ah war uga soo saarin fashilka wada-hadallada, si fursad loo siiyo dadaallada xal-raadinta ama go’aan kale looga gaaro jihada siyaasadeed.
Dhinacyada mucaaradka ayaa weli ka fiirsanaya sida ay uga falcelin doonaan xaaladda taagan. Waxaa jira cabsi ah in haddii xal la waayo uu khilaafku sii xoogeysto, taasoo saameyn karta jadwalka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Indhaha siyaasadda ayaa hadda ku jeeda shirka maanta ee Golaha Mustaqbalka, kaasoo la filayo inuu qeexo mowqif cad iyo jihada ay qaadi doonaan – haddii ay sii wadi doonaan wada-hadallada ama ay qaadi doonaan tallaabooyin siyaasadeed oo kale.




