Sunday, February 1, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay diyaaradaha la celiyay iyo wadahadalada.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxaa ay ugu ka hadleen xaaladda diyaaradihii la celiyay iyo mustaqbalka wadahadalada siyaasadeed ee dalka.

Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed u caddeyay in uu diyaar u yahay wadahadallo daacad ah oo ku dhisan isfaham, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib-u-eegis lagu sameyn doono tubta wadahadalada si loo hubiyo in shirka siyaasadeed uu u socdo si hufan oo ammaan ah.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhiga u ahaa qabsoomidda shirka, iyadoo qayb ka ahayd ogolaanshaha ilaalada gaarka ah ee masuuliyiinta ka qayb galaysa shirka.

Golaha Mustaqbalka ayaa si xooggan u cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda federaalka, isagoo ku tilmaamay “qar iska tuurnimo” oo khatar gelisay noloshii wafuudii diyaaradaha saarneyd.

Goluhu wuxuu ku adkeeyay in siyaasadda dalka ay u baahan tahay wada shaqayn iyo ixtiraam, islamarkaana go’aannada halista ah ay dhaawici karaan kalsoonida shacabka iyo nabadgelyada guud ee shirka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles