Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxaa ay ugu ka hadleen xaaladda diyaaradihii la celiyay iyo mustaqbalka wadahadalada siyaasadeed ee dalka.
Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed u caddeyay in uu diyaar u yahay wadahadallo daacad ah oo ku dhisan isfaham, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib-u-eegis lagu sameyn doono tubta wadahadalada si loo hubiyo in shirka siyaasadeed uu u socdo si hufan oo ammaan ah.
Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhiga u ahaa qabsoomidda shirka, iyadoo qayb ka ahayd ogolaanshaha ilaalada gaarka ah ee masuuliyiinta ka qayb galaysa shirka.
Golaha Mustaqbalka ayaa si xooggan u cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda federaalka, isagoo ku tilmaamay “qar iska tuurnimo” oo khatar gelisay noloshii wafuudii diyaaradaha saarneyd.
Goluhu wuxuu ku adkeeyay in siyaasadda dalka ay u baahan tahay wada shaqayn iyo ixtiraam, islamarkaana go’aannada halista ah ay dhaawici karaan kalsoonida shacabka iyo nabadgelyada guud ee shirka.




