Sunday, November 16, 2025

G/SoDMA oo Mashruuc muhiim ah ka daah-furay Waqooyi Bari Soomaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha Xarunta Gargarka Degdegga ah iyo Bakhaarka Kaydka Raashinka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Sidoo kale, munaasibadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari Cabdirisaaq Hindi, wasiirrada Diinta iyo Awqaafta, Tamarta iyo Biyaha maamulkaas, iyo madaxda shirkadda qandaraaska ku guuleysatay.
Xaruntan cusub waxaa hirgelinaysa SoDMA iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, waxaana maalgelin iyo taageero ka geystay Dowladda Shiinaha.
Goobtan waxaa loogu talagalay in ay noqoto xarun lagu fuliyo hawlaha degdegga ah ee gurmadka masiibooyinka, isla markaana lagu kaydiyo raashin iyo agab lagama maarmaan u ah wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhasha dhammaan deegaanada hoos yimaada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles