Tuesday, December 16, 2025

G/Muungaab oo dhagax dhigay Mashruuc muhiim u ah Bulshada ku nool Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u ah horumarinta adeegyada dowlad-hoose, kuwaas oo laga hirgelinayo Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu dhagax-dhigay mashruuca Dhismaha iyo Dayactirka Xarumaha Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Xarunta Waaxda Dhismaha wadaagga, iyo Xarunta Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha (Anagraphy) ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Mashruucyadani waxay laf-dhabar u yihiin tayeynta adeegyada dadweynaha, kobcinta amniga, iyo casriyeynta nidaamka maamul ee caasimadda. Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dhismaha xarumahan uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta adeegyada, xoojinta diiwaangelinta dadweynaha, iyo dhismaha kaabayaal dowladeed.
Waxa uu xusay in muddo dheer aan xarumahan la dayactirin, isagoo hoosta ka xarriiqay in ‘gacanna doorasho lagu galayo; gacanna amniga lagu sugayo iyo joogteynta horumarinta iyo dib u dhiska.’
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Xamar, Guddoomiyaha Degmada Shingaani iyo mas’uuliyiin kale.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles