Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoonsiiyay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad Xulka Kubadda Cagta degmada Kaaraan kadib markii ay 2-0 ugu badiyeen dhigooda degmada Gubadleey.
Cayaartaan oo aad u xiiso badneed waxaa usoo daawasho tagay kumanaan taageerayaal ah oo xiiseeya cayaaraha, iyo madax kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho ayaa Hambalyo u diray dhammaan Kooxaha ka qeyb galay Tartanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, Guddiga Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Laamaha Amniga iyo guud ahaan inta ka qeyb qaadatay habsami u socodka Tartanka inta uu soo socday.