Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhegax dhigay mashruuc ceelal biyood looga hirgelinaayo Magaaladda Xudur iyo deegaanadda kale ee Gobolka Bakool.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmadda Xudur isla markaana si rasmi ah u dhegax dhigay mashruucan ceelka lagu qodayo ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo deegaanadda gobolka oo dhan.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo mashruuca ceelka riiga ah looga qodayo Magaaladda Xudur uu isaga si gaar ah u hirgelinayo ayaa sheegay inuu ugu talo galay in dadka deegaanka ay ka faa’ideystaan, islamarkaana uu wax badan ka tari doono baahida dhinaca biyaha ah ee shacabka ku nool Magaaladda Xudur.
Qodista ceelka riiga ah ee laga hirgelinayo Magaaladda Xudur ayaa maalmaha soo socda si rasmi ah u bilaaban doonta, waxa ayna noqon doontaa talaabo ay ka faa’ideysan doonaan dadka ku nool Magaaladda Xudur.