Sunday, April 5, 2026

Fiqi oo war ka soo saaray ciidanka Faderaalka ee ku sugan Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si cad u faahfaahiyay doorka dowladda Federaalka ee la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Daacish iyo Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in tallaabooyinka ciidamadu qaadaan ay mudan yihiin amaan iyo taageero buuxda.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in la dirirka kooxahan uu yahay mas’uuliyad qaran oo aan loo baahnayn in la siyaasadayn, isla markaana cadawga Soomaaliyeed meeshii lagu naafeeyo uu yahay arrin ka tarjumeysa ilaalinta amniga guud ee shacabka.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa iftiimiyay sida ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Puntland ay u taageeraan hawlgallada amniga ee maamulka deegaanka. Ciidamadaasi ayaa ka qayb qaata gacan-siinta iyo ilaalinta magaalooyinka muhiimka ah sida Boosaaso, iyo guulaha la gaarey ee deegaanka Calmiskaad.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadaasi ay ku howlan yihiin sugidda amniga, xoreynta deegaannada laga qabsaday kooxaha argagixisada, iyo taageeridda maamulka si loo xaqiijiyo xasilooni waarta.
Tani waxay muujineysaa sida dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay uga wada shaqeynayaan xoojinta amniga iyo ka hortagga argagixisada, iyadoo ciidamadu si hagar la’aan ah u taageerayaan hawlgallada lagula jiro kooxaha khatarta ku ah shacabka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles