Saddex sarkaal oo Qatar ah ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow xeebta loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh ee Masar, sida ay sheegtay safaaradda Qatar ee Qaahira.
Bayaan ay soo saartay Maanta oo Axad ah, ergada dublamaasiyadeed ayaa lagu sheegay in dhammaan saddexda nin ay u shaqeynayeen Amiri Diwan, oo ah xafiiska maamulka ee amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.
Shilkan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay dhaawaca labo kale, sida ay ku dartay.
Labada masuul ee dhaawacantay ayaa xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa isbitaal ku yaala magaalada Sharma Sheekh.
“Safaarada Dowladda Qatar ee Qaahira waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska ay ka geeriyoodeen, waxayna uga baryeysaa inuu Eebbe naxariistiisa janno ka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna uu caafimaad degdeg ah siiyo,” ayay raacisay.
Magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar ayaa ahayd goobta uu ka dhacayay wada xaajoodka heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas si loo soo afjaro dagaalka Gaza horaantii todobaadkan. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maalinta isniinta ah la qabto shir caalami ah oo la doonayo in lagu dhameystiro heshiiska.