Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhoweynayso cid kasta oo gacan ka geysan karta sidii loo fasixi lahaa mashaariic horumarineed oo boqolaal milyan oo dollar ah, kuwaas oo ay sheegtay inay u xayiran yihiin saxiixa Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaange, ayaa sheegay in 17 mashruuc oo muhiim ah ay lacagahooda diyaarsan yihiin, loona qorsheeyay in lagu horumariyo nolosha dadka reer Puntland. Wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay xil iska saartay ilaalinta danaha shacabka Puntland, islamarkaana ay diyaar u tahay fulinta mashaariicdan.
Wasiir Xaange ayaa ugu baaqay cid kasta oo kaalin ka qaadan karta arrintaan inay soo dhowaynayaan, si loo helo saxiixa madaxweynaha Puntland, wuxuuna ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu danihiisa gaarka ah u hor istaagay mashaariicdaas muhiimka ah.
“Marar badan ayaan isku daynay inaan Puntland ku qancino in shacabka loogu fasaxo mashaariicdan, balse Madaxweyne Deni ayaa diiday inuu ka qaado xayiraadda,” ayuu yiri wasiir Xaange.
Si kastaba, Wasiirku wuxuu xusay in dhowaan la gaaray guul yar kadib markii madaxweynaha Puntland uu ogolaaday in dhowr mashruuc la bilaabo, kaddib markii uu cadaadis kaga yimid shacabka Puntland.