Sunday, April 12, 2026

Dowladda Soomaaliya oo ballan qaaday in ciidanka Dawiishtraaa KG ay heli doonaan xuquuq la mid ah tan ciidanka Qaranka.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo madaxda maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay dadaallo ay maalmahan wadeen oo la xiriiray dib u soo celinta ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Awdiinle.
Taliyaasha ciidamada Qaranka ayaa kulan ay maanta la yeesheen saraakiisha iyo ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay sii wadaan shaqada adag ee ay u hayaan Qaranka. Waxay sidoo kale caddeeyeen in dowladda ay bixin doonto dhammaan xuquuqaha ka maqan, isla markaana ay siin doonto xuquuq la mid ah tan ciidanka Qaranka.
Saraakiishii hoggaaminaysay ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda uga mahadceliyay dadaallada masuuliyiinta dowladda, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda qaran.
Ugu dambeyn, ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo saraakiishooda ayaa dib loogu celiyay magaalada Baydhabo iyo xeryihii ay markii hore ka howlgalayeen.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles