Sunday, November 16, 2025

Dowladda Nepal oo qaaday xayiraadii Baraha Bulshada ee ay ku dhinteen 19ka qof

Dowlada Nepal ayaa qaaday xayiraadii dhanka Baraha Bulshada ka dib markii ay keentay isku dhacyo dhex maray dad mudaharaadayay iyo booliska oo ay ku dhinteen ugu yaraan ilaa 19 qof.

Dhalinyaro kumanaan ah ayaa xoog ku galay dhismaha baarlamanka ee caasimada Kathmandu Isniintii, iyaga oo ka codsaday dowladda inay ka qaado xayiraadda ay saartay 26 mareegaha bulshada oo ay ku jiraan Facebook iyo Youtube, waxayna sidoo kale ugu baaqeen inay wax ka qabato musuqmaasuqa.

Waxaa go’aankani la gaaray ka dib shir degdeg ah oo goloha wasiirada ay yeesheen galinkii dambe ee Isniinta si ”wax looga qabto dalabaadka Gen Z”, ayay tiri wasiirka isgaarsiinta iyo warfaafinta Prithvi Subba Gurung, sida wararku tibaaxayaan.

Waxaa ku dhaawacmay in ka badan 100 qof mudaharaadyada, kuwaas oo sidoo kale ka dhacay magaalooyinka ka baxsan caasimadda.

Goobaha warbaahinta bulshada sida Instagram ayaa malaayiin adeegsada ah ku leh Nepal, kuwaas oo ku tiirsan madadaalada, wararka iyo ganacsiga.

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles