Saturday, June 21, 2025

Dowladda Fedaraalka oo dib u dhigtay qabsoomida Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee beri ka furmi laha Muqdisho.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu waday inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho 22 ka bishan oo ku beegan maalinta berito ah ayaa dib u dhac ku ymid, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka  ayaa lagu sheegay in shirka dib loogu dhigay sababo la xariira maalmaha xuriyadda awgood, waxaana la shaaciyay in shirka uu Wadatashiga Qaran uu dib u qabsoomi doono 15 bisha soo socota July ee sanadkan.
“Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loogu balamay 15 bisha soo socota ayaa waxaa isugu imaan doona madaxda sare ee dalka, qaar ka mid ah kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii wali si rasmi ah looma oga in shirka Wadatashiga Qaran ee qabsoomi doona 15 July iney kasoo qeyb gali doonaan madaxda maamul goboleedyada Puntland uyo Jubbaland ee mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles