Sunday, December 21, 2025

Dowladda Belgium oo Ku Dhawaaqday in ay aqoonsan doonto dawladnimada Falastiin

Belgium-ka ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (UNGA) ku aqoonsan doona Dawladda Falastiin dhamaadka bishan, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Belgium Maxime Prevot.

Dowladda Belgium ayaa Falastiin aqoonsan doonta fadhiga Qaramada Midoobay, isla markaana Dowladda Israa`iil ay  Cunaqabatayn adag ku soo rogi doonta ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Belgium, sidoo kale ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka, ayaa ku soo qoray barta warbaahinta bulshada ee X Maanta oo Talaado ah.

Israa’iil waxay wajihi doontaa 12 cunaqabatayn oo ka socota Belgium, ayuu yiri Prevot, oo ay ku jiraan mamnuucida soo dejinta alaabada laga keeno degsiimooyinka sharci darrada ah ee Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto iyo “dib u eegis lagu sameeyo siyaasadaha wax iibsiga dadweynaha ee shirkadaha Israel”.

Prevot, oo xubin ka ah xisbiga dhexe ee Belgium ee Christian Democrats, ayaa sheegay in Belgium ay ballan qaadayaan “iyadoo la eegayo musiibada bini’aadantinimo ee ka socota Falastiin, gaar ahaan Gaza”.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay in aqoonsiga uu si rasmi ah u noqon doono kaliya marka maxbuuskii ugu dambeeyay laga sii daayo Gaza iyo “Xamas hadda wax door ah kuma laha maamulka Falastiin”.

Dhamaadkii bishii Luulyo, Madaxweyne Emmanuel Macron wuxuu ku dhawaaqay in Faransiisku aqoonsan doono dawladnimada Falastiin marka hoggaamiyeyaasha adduunka ay ku kulmaan UNGA.

Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya ayaa si wadajir ah u martigelin doona kulanka aqoonsiga Falastiin inta lagu guda jiro UNGA Sebtembar 22. Australia, Canada, iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay inay qorsheynayaan inay aqoonsadaan Falastiin bishan, iyagoo sidoo kale shuruudo ku xiray.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles