Dowladaha Afgaanistaan iyo Pakistan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin degdeg ah ka dib wadahadalo ay dhexdhexaadinayeen Wadamadda Qatar iyo Turkiya ka dib Toddobaad dagaal ba’an oo dhimasho iyo dhaawac sababay uu ka dhacay xuduudka lagu muransan yahay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegtay Maanta oo Axad ah in Afgaanistaan iyo Pakistan ay ku heshiiyeen xabbad joojinta “iyo in la sameeyo habab lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida waarta ee labada dal”.
Doha ayaa sheegtay in labada dal ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay shirar dabagal ah yeeshaan maalmaha soo socda “si loo xaqiijiyo sii jirista xabad joojinta iyo xaqiijinta dhaqangelinteeda si la isku halayn karo oo waara”.
Horaantii, labada dhinacba waxay sheegeen inay wadahadal nabadeed ku yeesheen Doxa Sabtidii iyagoo raadinaya waddo hore loo marayo, ka dib markii isku dhacyo ay ku dhinteen tobaneeyo boqollaalna ay ku dhaawacmeen rabshadihii ugu xumaa ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Koonfurta Aasiya tan iyo markii Taliban ay la wareegeen awoodda Kabul 2021.




